Breadcrumb

  1. Inicio
  2. node
  3. (Somali version) Warshada JBS Swift Waxey Bixin Doontaa Ilaa $5.5 Milyan Si Loo Xaliyo Kiiskii Ku Saabsanaa Dacwada EEOC ee Takoorida Xaga Diinta Iyo Midabka ee Greeley
Press Release 06-09-2021

(Somali version) Warshada JBS Swift Waxey Bixin Doontaa Ilaa $5.5 Milyan Si Loo Xaliyo Kiiskii Ku Saabsanaa Dacwada EEOC ee Takoorida Xaga Diinta Iyo Midabka ee Greeley

Shirkada weyn ee Caalamiga ah ee Hilibka yaa ogolaatay in la xaliyo dacwadii lagu soo oogay ee ahayd inay cadaalad daro kula dhaqantay shaqaalaheedii oo ku saleysan xaga Jinsiyada, Asalka iyo Diinta

DENVER - JBS USA LLC, oo ganacsi ahaana loogu yeero JBS Swift & Company, waxay bixin doontaa ilaa $ 5.5 milyan waxayna sameyn doonta is-bedal hab dhaqanka shaqaalaha si loo joojiyo dacwad ay ku soo oogtay Xafiiska Gudiga Xuquuda Shaqaalaha ee (EEOC) oo ku eedeysay tacadiyo xaga jinsiyada, asalka, iyo takoorka diinta.ee shirkadda warshadeynta hilibka lo'da ee Greeley, Colo., EEOC yaa maanta ku dhawaaqay.

Dacwadda EEOC, oo la xareeyay 2010, waxay ku eedeysay in JBS ay takoortay shaqaalaha maxaa yeelay waxay ahaayeen dad muslimiin, soogalooti ka yimid Soomaaliya, iyo Madow. Sida laga soo xigtay EEOC, JBS waxay u diiday xuquudoodii diimeed shaqaalaha muslimiinta ah ee warshadeeda Greekley. Gaar ahaan, EEOC waxay cadaysay in JBS ay u diidday shaqaalaha muslimiinta fursad ay ku tukadaan sida diintoodu ay farayso, iyo in shaqaalaha muslimiinta ah la dhibaateeyo markay isku dayaan inay tukadaan waqtiyada nasashada la qorsheeyey ama xitaa xiliyada nasashada ee musqusha.

EEOC waxay kaloo ku eedeysay in intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ee 2008, JBS ay xirtay ilaha biyaha ee xarunta ama ay ku calaamadeysay inay ka joojiso shaqaalaha inay isticmaalaan, taas oo ka hor istaagtay shaqaalaha muslimiinta inay helaan biyo ay cabaan iyagoo soomanaa maalintii oo dhan iyo inay wayso qaataan salaadaha ka hor. JBS waxay sidoo kale u diiday shaqaalaha muslimiinta ah ee Soomaaliyeed musqulaha cadaadis gaar ahna la saaray marka loo fiiriyo shaqaalaha kale, sida ku xusan eedeymaha EEOC.

Intaas waxaa sii dheer, dacwada EEOC waxay ku andacootay in shaqaalaha Madowga, Soomaalida, iyo Muslimiinta lagu dhibaateeyay shaqada sababo la xiriira jinsiyadooda, diintooda iyo dhalashadooda. EEOC waxay ku eedeysay in maareeyayaasha JBS iyo shaqaalaha kaleba ay hilib ama lafo ku soo tuuraan shaqaalaha Madow iyo Soomaalida iyadoo shaqaalaha JBS ay si joogto ah ugu yeeraan shaqaalaha Soomaalida magacyo aflagaado ah sababo la xiriira jinsiyadooda, dhalashadooda, iyo diintooda. EEOC waxay kaloo ku eedeysay JBS inay u dulqaadaneysay qoraalo xadgudub ah oo lagu qoray musqulaha xarunta Greekley, iyadoo cunsurinimo iyo hadalo foolxun lagula kaco Soomaalida, sida "Soomaalida waa karaahiyo," "F *** Soomaali," "F *** Muslimiinta," iyo "Adoon *****."

Takoorka la sheegay wuxuu ku xadgudbayaa Cinwaanka qodobka VII ee Sharciga Xuquuqda Madaniga ee 1964, sharciga federaalka ee mamnuucaya faquuqa goobta shaqada, oo ay ku jiraan midabka, dhalashada wadanka, ama diinta.

Iyadoo la raacayo shuruudaha amarka ogolaanshaha ee lagu xalinayo dacwadan, JBS waxay bixin doontaa ilaa $ 5,500,000 ilaa ugu yaraan 300 shaqaale ah oo u qalma ahna kaqeybgalayaasha dacwada sida lagu xusay shuruudaha wareegtadan.

Intaas waxaa sii dheer, wareegtadu waxay faraysa JBS inay qaado tilaabooyin dhowr ah oo loogu talagalay in lagu saxo lagana hortago takoorid iyo tacadiyo dheeraad ah. JBS waxay kaloo sameyn doontaa in dhamaan shaqaalihii hore ee dacwada ku jiray ay dib u shaqaalaysiiso qofkii raba. Waxay dib u eegis ku sameyn doontaa, cusbooneysiin doontaa, oo soo dhajin doontaa siyaasadeeda iyo shuruucda la-dagaalanka midabtakoorka; In la helo qadka tooska ah ee 24-ka saac ee loogu talagalay soo tebinta takoorka iyo tacadiyada; In la baaro cabashooyinka shaqaalaha; la taageero gudiga is-dhaxgalga iyo kaladuwanaanta; iyo inay siiyaan tababaro sanadle ah dhamaan shaqaalaha sharciyada mamnuucaya takoorka shaqada. JBS sidoo kale waa inay bixisaa goobo nadiif ah, xasiloon, oo ku haboon tukashada salaada oo aan ahayn musqulaha oo loogu talagalay ixtiraamka diineed ee shaqaalaha, oo ay ku jiraan salaadaha maalinta ah, waana inay sidoo kale u ogolaataa shaqaalaha inay isticmaalaan qolalka xirashada-locker-rooms ama meelaha kale ee aan u keenaynin khatar amni iyagoo gudanaya wajibaadka dhaqankooda diineed.

“EEOC waxay ku faraxsan tahay inay u hesho magdhow noocan oo kale ah boqolaal shaqaale ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay habkii sharci darada ahaa ee loola dhaqmay sida ku cad dacwadan, "ayay tiri Gudoomiyaha EEOC Charlotte A. Burrows. Kiiskani wuxuu noo yahay xusuusin ah in takoorka nidaamsan iyo dhibaataynta ay weli yihiin dhibaatooyin muhiim ah oo ay tahay in bulsho ahaan aan wax ka qabano. Waxaan ku rajo weynahay in shuruucda iyo is-bedalka cusub ee warshada JBS, gaar ahaan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto mustaqbalka cabashooyinka iyo dhibaatada shaqaalaha iyo hubinta waqtiyada iyo goobaha ku haboon ee shaqaaluhu si ay u gutaan waajibaadkooda diimeed, inay tahay talaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Garyaqaanka gobolka Mary Jo O'Neill oo ka tirsan EEOC's Xafiiska Phoenix, oo ay hoos yimaadaan gobolada Arizona, Colorado, Wyoming, New Mexico iyo Utah, yaa tiri, “Midabtakoorka lagu soo oogay dacwadan wuxuu ahaa mid aad u culus oo saameeyay boqolaal shaqaale ah sanado badan. Shirkada loo shaqaynayo waa inay tixgelisa waajibaadka diimed ee shaqaalaheeda waxii macquul ah ee aan dhibaato u keenaynin shaqada. Shirkadu ma ogolaan karto dhibaataynta ku saleysan midabka, diinta, ama asalka ahaan. "

Dacwada EEOC waxaa la keenay Maxkamada Degmada ee Mareykanka ee loogu talagalay Degmada Colorado, Gudiga Komishinka Xuquuda Shaqaalaha, et al. v. JBS USA, LLC d / b / a JBS Swift & Company, Dacwada No.10-cv-2103-PAB-KLM. Waxey hortaalay oo garsoore ka ahaa Philip A. Brimmer, oo lahaan doona awooda inuu fuliyo shuruudaha amarka ogolaanshahan.

EEOC waxay ku horumarisaa fursada goobta shaqada ayadoo fulinaysa sharciyada dawlada dhexe ee mamnuucaya takoorida shaqaalaynta shaqooyinka. Macluumaad dheeraad ah yaa laga heli karaa bogan  www.eeoc.gov.

Ku xirnow wararka ugu dambeeya ee EEOC adoo iska diiwaangelinaya bartayada  email updates.